Friday, May 18, 2018

Ma Ahan Neymar Iyo Salah- Real Madrid Oo Tallaabo U Qaaday Weeraryahan Qaali Ah!

Kooxda kubadda cagta ee Real madrid ayaa dib usoo nooleysay xiisahii ay u qabeen weeraryahankii faransiiska iyo Kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe, kaasoo xagaagii hore ay ku guuldarreysteen inay kasoo qaataan kooxda iska leh milkiyaddiisa ee AS Monaco.

Los Blancos ayaa hoos u dhigtay dardar gelinta Neymar oo ay isku koox yihiin Mbappe, halka dhanka kale ay adkaatay rajjadii Mohamed Salah, sidaas darteed Madrid ayaa dareenkeeda u weecineysa wiilka dhallin yarada ah ee Mbappe.

19-jirka faransiiska ah ayaa u muuqda mid mustaqbal ifaya ku leh kubadda cagta, waxaana aad u baadi goobaya kooxo ay hor kaceyso Real Madrid, si la mid ah Manchester City ayaa isha ku heysa.

Real Madrid ayaa ku dadaaleysa sidii ay u xoojin laheyd weerarkeeda xilli ciyaareedyada soo aaddan maadama ay hoos u dhac ballaaran soo wajahday Bale iyo Benzema, halka Cristian Ronaldo uu sii caga cageynayo da’ da 33-sano.

Haddii ay ku hungoowdo Neymar, waxa ay heli kartaa Kylian Mbappe, taasi oo ka dhigan in kooxda ka dhisan Bernabue ay dooneyso in labada laacib ee ka wada tirsan PSG midkood ay ka dhigto saxiixeeda ugu muhiimsan ee xagaagan.

3-Ciyaaryahan Kuwaas Oo Ka Caawin Kara Man Utd Inay Ku Dagaalanto Premier League-ga.

Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa xilli ciyaareedkan ku dhammeysatay booska labaad ee kala sarreynta horyaalka EPL-ka, waxaana ay dooneysaa in sanad ciyaareedka dambe u dagaalanto sidii ay ugu guuleysan lahayd horyaalka ingiriiska.

Jose Mourinho ayaa horraan carrabka ugu dhuftay inuu u baahanyahay keliya labo illaa saddex ciyaaryahan kuwaas oo uu ku dhisayo safka kooxdiisa, sidaas darteed waa kuwan saddex xiddig oo ka caawin karta Red Devils hammiga horyaalka England.

Fred (Shakhtar Donetsk)- waxa uu ka ciyaaraa khadka dhexe, kooxaha City iyo Unietd ayaana ku dagaallamaya, Waxaa lagu heli karaa qiimo dhan €60m. Waxaa loo arkaa inuu noqon doono mid daboola baahida khadka dhexe, maadaama uu kubadda cagta isaga fariistay Micheal Carrick, sidoo kalena Morouane Fellaini ayaa ay u badan tahay inuu ka hayaamayo Old Trafford.

Danny Rose (Tottenham Hotspur)- Tan iyo markii uu Patrice Evra ka dhaqaaqay Old Trafford, United ma aysan helin xiddig ka ciyaara booska daafaca bidix, waxa uuna Jose Mourinho dareemayaa baahi booskaas ah maadaama ay duruuftu ku qasabtay in Ashley Youn oo an dabiici u ahayn laga ciyaarsiiyo daafaca bidxeed.

Djibril Sidibe (AS Monaco)- Maadaama uu daalay Antonio Valencia, Manchester United waxa ay u baahantahay difaac awood badan kaasi oo shaqada culus ka bedelay xiddigga reer Ecuador. Valencia ayaa 33 jirsan doono marka la gaaro bisha August, Matteo Darmian ayaa u dhow inuu isaga tago Old Tarfford, waxaana ay Red Devils dooneysaa inay keento Sidibe kooxda Manchester United.