Saturday, April 7, 2018

Faaqidaada kulanka Arsenal vs Southampton – Gunners Oo Bandhig Cajiib Ah Kujirta


Arsenal ayaa ku soo laabaneysahoryaalka Premier League iyadoo galabta Southampton ku marti galineysa Emirates Stadium.

Gunners ayaa natiijo fiican ka heshay kulankii Europa League, waxaana ay wajahayaan kooxda Southampton, oo dagaal ugu jirto sidii ay kusii joogi laheyd Premier League.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Emirates Stadium.

SAACADA: 4:15 PM

MAXAA CUSUB?

Arsenal ayaa waxaa ka maqnaan doona Henrikh Mkhitaryan, kaasoo dhaawac jilibka ah kasoo gaaray kulankii Khamiistii, Laakiin waxaa dib usoo laaban doona Aubameyang oo ka maqnaa ciyaartaas

Gunners ayaa sidoo kale weyn karta goolhaye David Ospina, kaasoo garoomada ka maqnaan doona muddo seddex isbuuc ah.

Petr Cech, oo kusoo bilowday kulankii todobaadkii, ayaa la rajeynayaa inuu mar kale kusoo bilaabo kulanka isbuucaan.

Southampton ayaa ka walwalsan dhaawaca Charlie Austin oo muddo dheer garoomada kia maqnaan doona.

Austin ayaa ah dhaliyaha ugu sareeya Saints isagoo lix gool oo Premier League ah u dhaliyay kooxdiisa – waxaana goolkiisii ugu dambeeyay wuxuu uu yimid kulankii Huddersfield Town ee bishii December.



XAQIIQADA KULANKA

Markii ugu dambeysay ee labada kooxood kulmaan bishii December, Austin ayaa goolka furitaanka dhaliyay daqiiqadii seddexaad, iyadoo Olivier Giroud uu gool barbarah ah u dhaliyay Arsenal.

Labada koox ayaa kulmay 94 jeer, Arsenal ay badisay 28 kulan halka  20 jeer ay badisay Southampton, halka inta kale ay noqdeen barbaro.

Southampton ma aysan garaacin Arsenal seddex kulan oo xiriir ah, guushoodii ugu danmbeysay waxay ka gareen kulankii EFL Cup sannadkii 2016.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Arsenal:Cech; Bellerin, Mustafi, Chambers, Monreal; Elneny, Ramsey; Ozil, Wilshere, Welbeck; Aubameyang

Southampton:McCarthy; Cedric, Stephens, Hoedt, Bertrand; Hojbjerg, Lemina, Tadic, Redmond; Austin, Gabbiadini

Lionel Messi Oo Bar-Bareeyay Xiddiga Kooxda Liverpool Ee Mohamed Salah.





Isaga oo uga mahad celinaya maqnaanshihii Mohamed salah xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa la bar-bareeyay tartanka loogu jiro gool dhalinta yurub kadib saddexley uu ka dhaliyay kooxda Leganes.

Xiddiga reer Argentine ayaa dhaliyay goolkiisii 29-aad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan isaga oo 3 gool ka horeeya xiddiga Bayern Munich ee Robert Lewandowski oo aan ciyaarin.

Xiddiga Edison Cavani ayaa isagu gabi ahaanba seegay gool furan waxana uu ku fashilmay in uu gool u dhaliyo kooxda Paris Saint-Germain.

Halkan Hoose Kaga Bogo Sida Loo Kala Sareeyo Gool dhalinta yurub & Dhibcaha la leeyahay:

Salah 29 goolal (58 dhibco)
Messi 29 goolal (58 dhibco)
Lewandowski 26 goolal (52 dhibco)
Immobile 26 goolal (52 dhibco)
Jonas 33 goolal (49.5 dhibco)
Cavani 24 goolal (48 dhibco)
Kane 24 goolal (48 dhibco)
Icardi 24 goolal (48 dhibco)
Ronaldo 22 goolal (44 dhibco)
Luis Suarez 22 goolal (44 dhibco)

Real Madrid Vs Atletico : Kullan Kicin Kara Xamaasadda Booska Labaad Ee La Ligaha .


Dadka  xiiseysa kubadda cagta Spain ayaa isha ku haya kulanka galabta dhex maraya kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madric waana kullan ka tirsan wareegga 31-aad ee La Ligaha .

Real waxa ay kulankaan galayaan iyaga oo isha ku haya guul si ay booska labaad ay ugu dhawadaan oo ay haatan Atletico Madrid ku hayso 67 dhibic halka Real ay leedahay 63 dhibic xilli kaliya ay hal dhibic ka sareeyaan kooxda Valencia oo afaraad ku jira kuwaasi oo leh 62 dhibic


Xogta kulankla

* Waa kulankii 219-aad ee labadaan koox dhex mara dhamaan tartamada marka laga reebo tartamo goboleedyada , Real ayaana badisay heer dhan %50

* Atletico Madrid ilaa haatan waxa ay Real ku hor kufeen 86 jeer oo horyaalka ah ka dib 161 kullan mana jirto koox sidaas ay ka qabsatay Real

* Real waa ay ku fashilmeen in ay guul ka gaaraan Atletico oo marti ku ah qalcada Santiago Bernabéu iyadoo la joogo horyaalka , waxa ay haystaan sedex guul darro iyo hal bar bar dhac waana dhacdo aad u liidata taraiikhooda La Ligaha .

* Ronaldo waxa uu Atletico ka dhaliyay 21 gool ka dib 30 kullan dhamaan tartamda rasmiga ah mana jiro laacib kale oo taariikhda kulamada Derby Madrid sidaas oo kale sameeyay

* Tababare Simaone waxa uu noqonaya tababarihii ugu horeeyay ee tababare Zidane laba jeer ka guuleysta iyadoo uu hogaaminayo Real waa haddii ay dhacdo in galabta uu badiyo

* Weeraryahanka Atletico ee Antoine Griezmann waxa uu Real ku leeyahay 5 gool halka laba ka mid ah uu ku dhaliyay qalcadda Santiago Bernabéu , haddii galabtana uu soo taabto shabaqa Real waxa uu noqonaya laacibkii ugu horeeyay ee sedex kullan isku xiga soo taabta shabaqa Real qarnigaan la joogo .

Hordhac: Chelsea Vs West Ham: Blues Oo Ay Ka Go,antahay In Ay Ku Soo Laabato Wadada Saxda


Kooxda Chelsea ayaa ku jirta wakhti adag iyada oo laga reebay tartanka champions League sidoo kale laga badiyay kulamo horyaalka ah oo muhiim ah.

Kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga ayaa 11 dhibcood ka dambaysa kooxda kaalinta 4-aad kaga jirta horyaalka ee Tottenham oo guul gaartay.


Blues ayaa doonaysa in ay ku soo laabato wadada guulaha marka ay garoonkeeda Stamford Bridge ku soo dhawayn doonto kooxda West Ham kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Kulanka: Chelsea Vs West Ham

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:30 Fiidnimo

Garoonka: Stamford Bridge

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea ayaan laga badinin 11 kulan oo Premier League ah oo ay la ciyaartay West Ham, tan iyo markii ay guuldarro 2-0 ah kala kulantay bishii September 2002.

Alvaro Morata ayaa shabaqa soo taabtay labadii kulan ee ugu danbeysay ee Chelsea tartamada oo dhan laakiin wali gool muu dhalin 3 kulan oo xiriir ah.

Marko Arnautovic oo dhaliyay goolkii ay West Ham kaga badisay chelsea ayaa dhaliyay 9 kulan oo horyaalka premier League ah xilli ciyaareedkan xiddigii ugu dambeeyay ee West Ham ah ee dhaliya 10 gool ayaa ahaa Diafra Sakho xilli ciyaareedkii 2014/2015.

Kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka ahaa ee ay West Ham laba kulan ka badisay Chelsea xilli ciyaareed kaliya ayaa ahaa 2002/2003 markaas oo ay West Ham ka hartay horyaalka.

Balotelli Oo Si Deg-Deg Ah Uga Fal Celiyay Kulankii Xiisaha Lahaa Ee Dhex Maray Man City & Man United



Weeraryahankii hore ee kooxda Man City ee Mario Balotelli ayaa ka fal celiyay kulankii xiisaha lahaa ee ay kooxda Man United guusha soo laabashada leh ka gaartay kooxda Man City.

City ayaa qaybtii hore hogaanka u qabatay ciyaarta iyaga oo ay laba gool u dhaliyeen xiddigaha Vincent Kompany Iyo Ilkay Guendogan waliba qaab qurux badan soo bandhigay.


Laakiin United ayaa qaybtii dambe soo laabasho cajiib ah samaysay iyaga oo guusha ku gaaray 3 gool oo ay u dhaliyeen xiddigaha Paul Pogba 2 gool iyo Chris Smalling.

Mario ayaa ugu horayn u hambalyeeyay xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba oo uu ugu hambalyeeyay labadii gool ee uu ka dhaliyay kulanka isaga oo sidoo kale United ugu hambalyeeyay in ayna ciyaarta ka niyad jabin.

Xiddiga reer Italy ayaa sidoo kale ka hadlay khaladaad dhanka garsooraha ka yimid oo uu Mario aaminsanaa isaga oo sheegay in khaladkii lagu galay Sergio Aguero uu ahaa rikoore cad.

Isaga oo ka hadlaya rikoorada laga diiday ayuu yiri” sidee ayayna tani rikoore u ahayn, maya maxa ka dhacaya meesha?.

Isaga oo oo u hambalyeynaya Pagba ayuu yiri” Hambalyo, pogba labadaada gool iyo in ayna United ka niyad jabin ciyaarta, laakiin waxa uu ahaa rikoore”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

United Oo Soo Qastay Farxaddii City Ee Horyaalka, Waa Ay Hakiyeen Dabaal Deggii Qorsheysnaa, Pogba-na Mourinho Ayuu Farriin U Diray


Ciyaarta ayaa ku bilaabatay jawi deggan xilli United ay biloowgii car-car aheayeen halka City sugayeen jawi ay ku qiimeeyeen hanaanka ciyaarta .

United waxa ay biloowgii u muuqdeen kuwo isku xeran dhan waliba oo dhanka raacshada ay ku jirto xilli City ka hor istaageen in ay si sax ah ugu dhawaadaan aagga goosha De Gea .


Ka dib dhacdooyinkaas , City waxa ay bilaabeen in kubadda ku dhisaaan lana soo baxaan baasas xilli fursaddii ugu horeeysay ee gool noqon kartay uu De Gea ka bad baadiyay daqiiqaddii 23-aad .

Marka la eego hanaanka ciyaarta waa la dareemayay in gool uu imaanayo waxa ayna City heleen gool daqiiqaddii 25-aad dhaliyeen gool kaasi oo uu saxiixay Vincent Kompany ka dib kubad koorno aheyd ayuu laacibkaas u badaly madax .

ka dib goolkaas, United durba waa ay is dhiibeen kubadana horay uma aysan soo jiideyn illaa looga keenay gool labaad daqiiqaddii 31-aad waxaana markaan saxiixay Ilkay Guendogan ka dib baas uu ka helay Raheem

Garoonka Etihad ayaa wada kacay waxa ayna taagerayaasha bilaabeen dabaal deg ,xilli xaalka sidaas yahay ayay City fursado xaqiiq ahaa oo gool 3-aad aiyo 4-aad noqon lahaa ka qasaariyay laacibkooda Raheem



Ka dib dhacdooyinkaas , City iyaga aya kubadda la wareegtay halka United la daala dhacayeen in kubadda iska soo fogeeyeen waxa ayna guud ahaan ku aruureen qadkooda oo ma jirrin kubadda ay horay u soo jiidayeen

Biloowga soo laabashadii, United xoogaa waa ay dhaq dhaqaaqayeen balse Silva iyo Raheem ayay qaban waayeen xilli daqiiqaddii 52-aad Ilkay Guendogan ay kubad gool noqon laheyd waxa ay kaga dhacday birta ka dib baas uu ka helay Raheem .

United ka dib kubad ay dhisaneen Sanchez iyo Matic waxaa gool u badalay Pogba daqiiqaddii 53-aad xilli Pogba qeybta labaad uu isku dayay in uu keeno gool.

ka dib goolkaas , United kubadda waa ay fur fureen gool labaad ayayna keeneen waxana saxiixay Pogba kaas gool ahaa oo madax gadaal gadaal ah waxaana dhaliyay Pogba ka dib baas uu ka helay Sanchez waxa uuna goolkaas dhashay daqiiqaddii 55-aad



Ka dib goolashaas , kulanka xarararad ayuu yeeshay waxaana United heleen kalsooni buuxda in ay raadiyaan gool 3-aad halka daafac ahaan ay City u diidayeen in ay u soo dhaawaadaan qadkooda cagaaran .

United goolka 3-aad ayay heleen waxaana ka shaqeeyay oo kubad cajiib ah oo uu qajafeeyay Sanchez waxaa goool qurux badan u badalay Chris Smalling daqiiqaddii 69-aad , waxa ayna kooxda.com xuseysaa in goolkaas uu ka muuqday qalad dhanka daafaca Man City

City daqiiqaddii 78-aad waxaa laga diiday sida ay ku doodayeen rigoore ka dib qalad lagu galay Aguero waxa ayna dhamaadkii ciyaarta aheyd mid deg degsiimo leh



Si waliba oo ay City u raadiyeen bar bar dhac waxaa loogu dhameeyay 3/2 oo ay United guusha ku raacday waliba ay ku hakiyeen in City caawa u dabaal degaan qaadista horyaalka oo haddii ay badin lahaayeen kulankaan ayay dabaal degi lahaayeen

Dhamaadkii Aguero ayaa gool xaqiiq ahaa waxaa ka bad baadiyay De Gea halka gool labaadna oo ay taageerayaasha Ciuty u dabaal degeen ay diiday birta goosha De Gea
Guul daradaan ayaa imaaneysa xilli City maalmo ka hor guul darro sedex gool ah kala soo kulmeen kooxda Liverpool oo ay ugu martiyeen lugta 1-ad ee wareegga 8-da Cahmpion-ka

Barcelona oo ka talabsatay Leganes kulan Lionel Messi uu sadex gool dhaliyay.


Barcelona ayaa guul muhiim ah ka gaartay Leganes kulanka xiisaha leh oo ka dhacay Camp Nou iyagoo u mahad celinaya Lionel Messi oo si weyn uga dhex muuqday kulanka.

Barcelona waxey aheyd kooxda inta badan ciyaarta maamulkeeda heysay, waxeyna daqiiqadii 27-aad gool ka heshay Lionel Messi, mar kale ayuuse shabaqa soo taabtay daqiiqadii 32-aad isagoo caawinaad ka helay Philippe Coutinho.

Qeybtii labaad ayuu Messi goolkiisii sadexaad ee ciyaarta dhaliyay kaas oo qalbi jabiyay jamaahiirta Leganes ee soo xaadiray Camp Nou, waxaana caawiyay Ousmane Dembele.

Weeraryahanka reer Argentina wuxuu haatan si wacan u hogaaminayaa tartanka gooldhalinta isagoo leh 28-gool, wuxuuna 6-gool ka sareeyaa Ronado oo berito la ciyaraya Atletico Madrid.

Natiijada waxey ku dhamaatay 3-1 iyadoo Barcelona ay 12-dhibcood ka sareyso Atletico Madrid oo berito la ciyaareysa Real Madrid.

By:ccm