Saturday, April 7, 2018

Faaqidaada kulanka Arsenal vs Southampton – Gunners Oo Bandhig Cajiib Ah Kujirta


Arsenal ayaa ku soo laabaneysahoryaalka Premier League iyadoo galabta Southampton ku marti galineysa Emirates Stadium.

Gunners ayaa natiijo fiican ka heshay kulankii Europa League, waxaana ay wajahayaan kooxda Southampton, oo dagaal ugu jirto sidii ay kusii joogi laheyd Premier League.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Emirates Stadium.

SAACADA: 4:15 PM

MAXAA CUSUB?

Arsenal ayaa waxaa ka maqnaan doona Henrikh Mkhitaryan, kaasoo dhaawac jilibka ah kasoo gaaray kulankii Khamiistii, Laakiin waxaa dib usoo laaban doona Aubameyang oo ka maqnaa ciyaartaas

Gunners ayaa sidoo kale weyn karta goolhaye David Ospina, kaasoo garoomada ka maqnaan doona muddo seddex isbuuc ah.

Petr Cech, oo kusoo bilowday kulankii todobaadkii, ayaa la rajeynayaa inuu mar kale kusoo bilaabo kulanka isbuucaan.

Southampton ayaa ka walwalsan dhaawaca Charlie Austin oo muddo dheer garoomada kia maqnaan doona.

Austin ayaa ah dhaliyaha ugu sareeya Saints isagoo lix gool oo Premier League ah u dhaliyay kooxdiisa – waxaana goolkiisii ugu dambeeyay wuxuu uu yimid kulankii Huddersfield Town ee bishii December.



XAQIIQADA KULANKA

Markii ugu dambeysay ee labada kooxood kulmaan bishii December, Austin ayaa goolka furitaanka dhaliyay daqiiqadii seddexaad, iyadoo Olivier Giroud uu gool barbarah ah u dhaliyay Arsenal.

Labada koox ayaa kulmay 94 jeer, Arsenal ay badisay 28 kulan halka  20 jeer ay badisay Southampton, halka inta kale ay noqdeen barbaro.

Southampton ma aysan garaacin Arsenal seddex kulan oo xiriir ah, guushoodii ugu danmbeysay waxay ka gareen kulankii EFL Cup sannadkii 2016.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Arsenal:Cech; Bellerin, Mustafi, Chambers, Monreal; Elneny, Ramsey; Ozil, Wilshere, Welbeck; Aubameyang

Southampton:McCarthy; Cedric, Stephens, Hoedt, Bertrand; Hojbjerg, Lemina, Tadic, Redmond; Austin, Gabbiadini

1 comment:

  1. Hello, Miyaad u baahan tahay waqti dheer, ama muddo gaaban ama deyn ah oo leh dulsaar yar oo hooseeya illaa 2%? Dhibaatada dhaqaaluhu ma saameeyaa sanadkan? Anigu waxaan ahay Mrs Elizabeth, aniga oo ah milkiilaha shirkad amaahda iyo waxaan siinayaa amaah iyo amaan ah.

    * Miyaad raadineysaa miisaaniyad aad ku bixiso dhibcaha iyo deymaha?
    * Ma raadineysaa dhaqaale si aad u sameyso ganacsigaaga?
    * Ma u baahan tahay amaahda ganacsiga gaarka ah ama ganacsiga ujeedooyin kala duwan?
    * Ma waxaad raadineysaa amaahda si aad u fuliso mashaariic waaweyn?

    Haddii jawaabtaadu haa tahay, waxaan kaa caawin karaa.

    * Waxaan ku siin karaa ilaa € 100,000,000 Euro.
    * Waxaad dooran kartaa inta u dhaxeysa 1 ilaa 30 sano si aad dib ugu bixiso.
    * Waxaad dooran kartaa inta u dhaxeysa bil kasta iyo Qorshaha Dib u bixinta Sanadlaha ah.
    * Shuruudaha Lacagta Dheeriga ah.

    Fadlan haddii aad xiiseyneyso dib u fiiri cinwaanka emailkan:
    mrs.elizabethloanfirm@gmail.com

    Waxaad haysataa 100% damaanad ah in lagu siin doono amaahda dhamaadka deyntan.

    Walaacaal
    Mr Elizabeth

    ReplyDelete