Wednesday, March 14, 2018

Barcelona Oo Camp Nou Ku Dubatay Chelsea, Lionel Messi Oo Laba Gool Ku Gaadhay Goolasha Qarniga UCL Iyo Balaugrana Oo Dhamaystirtay Siddeeda Kooxood Ee UCL Ku Dagaalami Doona.


Kooxa Barcelona ayaa u soo baxday siddeed dhamaadka tartanka UEFA Champions League kadib markii ay Camp Nou ku dubatay kooxda Chelsea. Lionel Messi ayaa markale indhaa caalamka ku xaday laba gool isaga oo Chelsea u diiday in ay wax rajo ah ku yeelato kulankii lugtii labaad ee wareega 16ka kooxood ee UCL.
Lionel Messi ayaa bilawgii ciyaartaba dhaliyay goolka Chelsea xaalada ku sii xumeeyay laakiin waxa uu markale si layaableh caawin ugu sameeyay Ousmane Dembele kaas oo goolkiisii ugu horeeyay ee waayihiisa ciyaareed ee Barcelona kulankan ka dhaliyay laakiin qaybtii danbe Lionel Messi ayaa ciyaarta hurdada u diray kadib markii uu dhaliyay goolkiisa labaad kaas oo ahaa goolkiisii 100 aad ee UCL.
Barcelona ayaa ku biiray kooxaha Liverpool, Real Madrid, Bayern Munich, Juventus, Sevilla, AS Roma iyo Manchester City kuwaas oo ah siddeeda kooxood ee loo samayn doono isku aadka siddeed dhamaadka UEFA Champions League. Kadib markii ay Sevilla xalay tartankan ka reebtay Man United ayay markale Barca iyaduna ka reebtay Chelsea.
DAQIIQADII 3 AAD Alla Maxay Bilaabasho Fiican U ahayd? Barcelona ayaa isla markiiba heshay goolka ay xaalada xun ugu abuurtay kooxda martida ahayd ee Chelsea waxaana gool deg deg ah Balaugrana u saxiixay Lionel Messi kaas oo aan kooxda Antonio Conte ee Blues siin fursad ay isku habeeyaan wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Barca hogaanka kula wareegtay bilawgii ciyaartaba.
Lionel Messi ayaa isku dayay in uu kubbad la ciyaaro Dembele laakiin kubbada ayaa ku sii dhacday Marcos Alonso iyada oo uu Luis Suarez helay fursada uu Messi kubbada ugaga caawiyay in uu dhaliyo goolka furitaanka wuxuuna goolkani jawiga Camp Nou ka dhigay mid xoog u sii shidmay.

Daawo: Alvaro Morata Oo Qaab La Yaab Leh Ugu Jawaabay Taageerayaasha Barcelona Ka Dib Markii Ay Ku Oriyeen Kulankii Xalay


Weeraryahanaka Chelsea ee Alvarto Morata ayaa fal ka baxsan anshaxa kubadda cagta waxa uu kula dhaqaaqay taageerayaasha Barcelona .
Daqiiqadii 67-aad ayuu laacibkaas ku soo galay kulanka badal xilligaas oo loo saaray Oliver waxa uuna durba laacibkaas hore Real weerar iyo orrin kala kulmay taageerayaasha Barca .
Waxa ay taageerayaasha Barcelona ku orinayeen ” alla maxaad Morata xanuunsan tahay alla maxaad xun tahay”.
Morata oo u adkeysan waayay qaylada cayda ah ee taagreeyaasha Barca ayaa ku dhaqaaqay fal uu ku muteysan karo ganaax ka dib markii uu xubintiisa taranka uu u tilmaamay waliba isaga oo soo qabtay, Halkaan Laacibtv.net ka daawo muuqaalkaas
HALKAN KA DAAWO   https://youtu.be/k1oVN_f1frM

HORDHAC: Arsenal vs AC Milan- Gunners Oo Isha Ku Heysa Quarter-final-ka Europa League



Arsenal ayaa sii wadi doonta ololaheda xili ciyaareedkaan ay ugu dagalameyso tartanka Europa League marka ay caawa AC Milan ku martigalinayaan Emirates lugta labaad ee wareega 16ka.
Gunners ayaa kulankaan ku ciyaari doonta waqooyiga London iyagoo 2-0 ku badisay ciyartii ka dhacday Italy, waxaana ay doonayaan inay hubiyaan booskooda sided dhamaadka.
Henrikh Mkhitaryan iyo Aaron Ramsey ayaa qeybtii hore ee ciyaartii San Siro goolasha u dhaliyay kooxda uu hogaamiyo Arsene Wenger.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Emirates
SAACADA: 11:05 PM

MAXAA CUSUB?

Shkodran Mustafi oo uu dhaawac kasoo gaaray gumaarka ayaa maqan, halka Santi Cazorla oo dhaawacan uu yahay ciyaaryahan weli muddo dheer ka maqan Gunners.
Nacho Monreal iyo Hector Beller ayaa kasoo kabsaday dhaawac, laakiin labadoodaba waxaa laga yaabaa inaysan ku lug yeelan kulanka Milan, halka Alexandre Lacazette uu kusoo laabtay tababarka isbuucaan.
Pierre-Emerick Aubameyang, ayaan kasoo muuqan Karin Arsenal sabab la xiriirta uu tartankaan u diiwaan gashnaa kooxdiisii hore.
Dhinaca Milan David Calabria ayaa dhaawacan, sidaas darteed uma badna inuu ciyaaro kulankaan, waxaana Gennaro Gattuso is bedel uu ku sameyn doonaa daafaciisa midig.
Fabio Borini oo ciyaaray kulankii Genoa ayaa diyaar ah, laakiin Christian Zapata ayaa weli kusii jiri kara kursiga keydka AC Mialn.

XAQIIQADA KULANKA

Milan ma aysan kasoo kaban guuldarro lugta hore soo gaartay tan iyo bishii October 1985, markaasoo ay 4-3 kaga badiyeen Auxerre.
Gunners marnaba kuma guuldareysan inay soo baxdo 24 jeer oo ay guuleysatay kulanka lugta hore tartamada Yrub.
Ma jirto koox talyaani ah oo waligeed ku guuleysatay kulan ka dhacaya London kana tirsan Europa League , iyadoo Roma, Juventus, Lazio, Inter Milan iyo Fiorentina dhamaan lagu soo qaarajiyay.
SAFAFKA MACQUULKA AH
 Arsenal: Ospina; Koscielny, Holding, Bellerin, Kolasinac; Xhaka, Wilshere, Ramsey, Ozil, Mkhitaryan; Welbeck.
AC Milan: G. Donnarumma; Zapata, Rodriguez, Romagnoli, Bonucci; Biglia, Bonaventura, Kessie, Suso, Calhanoglu; Cutrone.

Thursday, March 8, 2018

Arsenal oo guul weyn ka gaartay Ac Milan ciyaar ka dhacday San Siro & Natiijooyinkii kale ee Europa League-ga


Laba gool oo ay kala dhaliyeen Henrikh Mkhitaryan iyo Aaron Ramsey ayaa guul weyn siisay Arsenal iyadoo marti ah kulan ka tirsan UEFA Europa League, waana kulanka lugta hore wareega 16-ka.
Milan waxey sameysay bilowgii kulanka fur-furnaan badan iyo firfircooni dheeraad ah, balse marnaba ma helin iney haliso badan galiso goolka Arsenal, tiiyoo ay jirto in Gunners ay dib kala soo qabsatay kulanka.
Henrikh Mkhitaryan ayaa bilaabay bandhigga goolasha kadib markii uu kubad ku garacay Leonardo Bonucci, goolhaye Donnaruma ayaana awoodi waayay inuu badbaadiyo.
Arsenal haliso badan ayey abuurtay iyadoo Welbeck uu isku day fiican sameeyay balse uma suuragalin.
Aaron Ramsey ayaa dhaliyay gool qurux badan oo caaqibo leh, Ozil ayaa aawiyay, si fiican ayuu goolhayaha ugu gooyay ka hor inta uusan shabaqa oo furan shab ku siin.
Qeybta hore ciyaarta waxaa lagu kala baxay 2-0, oo ay ku hogaamineyso Arsenal, balse qeybtii labaad wax isbadal ah sooma kordhin.
Ac Milan waxey sameeyeen dadaalo badan oo ay gool ku dooneen, balse uma suuragalin iney gool helaan.
natiijada waxey ku dhamaatay 0-2, oo ay guusha ku raacday Arsenal waxeyna u tahay faa’iido weyn maadama ay banaanka kusoo dhalisay goolal.
Natiijooyinka kale:
Atletico Madrid 3 – 0 Lokomotiv Moscow
Borussia Dortmund 1 – Salzburg
CSKA Moscow 0 – 1 Lyon

Tuesday, March 6, 2018

PSG vs Real Madrid- Safafka Macquulka Ah, Dhaawacyada, Shakiyada & Wararka Labada Koox



Real Madrid ayaa caawa la ciyaari doonta Paris Saint-Germain oo aan heysan Neymar kulanka lugta labaad ee wareega 16ka Champions League.
Los Blancos ayaa ku jirta xilli ciyaareed niyadjab leh, laakiin waxay doonayaan in ay difaacdaan tartanka Champions League.
Zinedine Zidane wiilashiisa ayaa 3-1 ku garaacay PSG lugtii hore ee Santiago Bernabeu bishii Febraayo, waxaana ay doonayaan in ay caawa iska xaadiriyaan marxalada Sideed dhamaadka.
OGEYSIISKA CIYAARTA
GAROONKA: Parc des Princes
SAACADA: 10:45 PM
MAXAA CUSUB?
PSG ayaa ku dhawaaqday 21ka ciyaaryahan ee ciyaareysa kulankan, iyadoo uu ka maqan yahay Neymar oo dhaawac canqawga ah uu soo gaaray todobaadkii hore.
Waxaa jiray walaac yar oo ka dhan ahaa Kylian Mbappe iyo Marquinhos, laakiin labada ciyaaryahan ayaa lagu soo daray safkooda.
Luka Modric iyo Toni Kroos ayaa lagu soo daray kooxda Real Madrid ee usafartay Paris , halka Cristiano Ronaldo diyaar uu u yahay kulankaan.
XAQIIQADA KULANKA
Real Madrid ayaan laga badinin seddexdii kulan ee hore Champions League ay ku wajahday PSG (W2 D1), kaliya hal gool ayaana laga dhaliyay.
Paris St-Germain ayaa laga badiyay hal kulan oo ka mid ah 46kii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku ciyaareen garoonkooda tartanka Yurub.
Real Madrid ayaa gaartay semi-finalka mid kasta oo ka mid ah todobadii xili ciyaaareed ee ugu dambeysay tartanka Champions League.
PSG ma gaarin quarter-finalka tartankaan shantii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay, markoodii ugu fiicneyd waxay gaareen semi-finalka 1994-95.
Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyey 21 gool 12kii kulan ee ugu dambeyay tartamada oo dhan.
SAFAFKA MACQUULKA AH
PSG: Areola; Alves, Marquinhos, Kimpembe, Kurzawa; Verratti, Rabiot, Lo Celso; Di Maria, Mbappe, Cavani.
Real Madrid: Navas; Carvajal, Ramos, Varane, Marcelo; Casemiro, Modric, Asensio, Bale; Ronaldo, Benzeman

Xiddigaha Barcelona Oo Ka codsaday Lionel Messi Inuu Faragaliyo Heshiiska Andres Iniesta Ugu Dhaqaaqayo Man City




Xiddigaha Barcelona ayaa weydiistay Lionel Messi inuu u sheego macalinka Manchester City Pep Guardiola in Andres Iniesta uusan iib ahayn.
Warbaahinta Isbaanishka ee Diario Gol ayaa sheegeysa in Manchester City diyaar u tahay in ay lasoo wareegto kabtanka Barcelona dhamaadka xili ciyaareedkaan.
Laakiin qolka labiska Barca lagama doonayo bixitaanka Andres Iniesta , waxaana nciyaartooyda koox ay weydiisteen Messi inuu soo faragaliyo xaalada Manchester City.
Guardiola ayaa ka warqaba in Inesta oo si wacan kaga dhex muuqda Camp Nou wax badan kusoo kordhin karo kooxda Manchester City.
Iniesta waxa uu ahaa mid muhiim u ah Barcelona tan iyo markii uu kulankiisii ugu horeyay u ciyaaray sannadkii 2002dii.
Laakiin wuxuu haatan ka fekerayaa mustaqbalkiisa kooxda Barcelona oo lasoo wareegtay Philippe Coutinho.
Iniesta ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya xilli ciyaareedka Barcelona oo dooneysa in ay hanato saddexley koobab ah.
Waxa uu u saftay 31 kulan tartamada oo dhan xili ciyaareedkaan Barcelona oo sided dhibcood oo nadiif ah ku hogaamineysa horyaalka La Liga.

Monday, March 5, 2018

Wenger oo looga bahanyahay Premier League hadii u kahayaamo Arsenal





Everton ayaa u baahan tababare Arsene Wenger haddii uu isaga tago shaqada kooxda Arsenal, sida laga soo xigtay wargeysyada Ingiriiska.
Wenger oo 68 sanno jir ah ayaa cadaadis xoogan uu saaran yahay mustaqbalkiisa Emirates ka dib markii uu la kulmay guuldarradii afaraad oo xiriir ah shalay.
Taageerayaasha Gunners ayaa markale muujiyay sida ay kaga xun yihiin sii joogista macalinkaan kadib qasaarihii ay kala kulmeen shalay kooxda Brighton.
Arsenal ayaa lagu wadaa inay dib u eegto shaqada Wenger dhamaadka xilli ciyaareedkaan, kadib markii kooxda 13 dhibcood ka hoos martay Tottenham oo booska afaraad kujirta.
Everton ayaa haatan diyaar u ah in ay dalab ka gudbiso tababaraha Faransiiska haddii uu go’aansado inuu ka dhaqaaqo Gunners.
Daily Star ayaa sheetgay in milkiilaha Everton Farhad Moshiri uu u aqoonsaday Wenger inuu yahay musharaxa ugu fiican ee badbaadin kara kooxdiisa.
Ronald Koeman iyo Sam Allardyce ayaa ku fashilmay shaqada Kooxda Toffees oo qarash badan suuqa kala iibsiga ku bixisay xili ciyaareedkaaan.

Sunday, March 4, 2018

Macalin Arsene Wenger wax rajo ah miyuu ka qabaa in Arsenal kaalinta 4-aad gaarto?



Kooxda Arsenal guuldaro naxdin leh waxay kala kulmeen naadiga Brighton kulan 2-1 looga badiyay taasi oo dhaxal siisay inay rajadooda kaalinta 4-aad u dagaalamaan god dheer ku dhacdo.
Arsenal hadda waxaa laga badiyay 4-kulan oo xariir ah dhamaan tartamada kala duwan waxaana kooxda ka dhex taagan buuq xoogan.
Gunners waxay fadhisaa kaalinta 6-aad kala sareynta EPL waxayna 13-dhibcood ka hooseeyaan kooxda Tottenham oo booska 4-aad fadhiso.
Macalin Arsene Wenger ayaa ka hadlay rajada Arsenal ka qabto inay kaalinta 4-aad gaarto xili cayaareedkan.
Wenger wuxuu yiri “Suurta gal ma ahan inaan afarta sare ka mid noqono mana ahan wax dhici karo waayo 13-dhibcood Spurs naga sareyso iyo 9-kulan oo harsan ayaa wax walbo soo idleesay”
“Waxaan u baahanahay ugu yaraan labo koox kuwa naga sareeyaan inay bur bur joogto ah todobaad walbo la kulmaan mana ahan wax macquul ah”
“Sidaa darteed dadaalkeena ayaan wadan doonaa laakiin iima muuqato rajo aan afarta sare sanadkaan kaga mid noqon karno”

Lionel Messi oo shaki la galiyey Beni’aadamnimadiisa!! sawirkan eeg



Intii lagu guda jiray tababarkii Barcelona ee ka horeeyay kulanka muhiimka ah ee ay la ciyaari doonaan Atletico Madrid Messi ayaa laga qabtay sawir cajiib ah kaas oo muujinaya mar kale in uuna xiddiga reer Argentine ahayn Beni’aadam. Sawirka ayaa laga qabtay Xiddiga No.10 isaga oo kubad ku laagaya lugtiisa bidix waxana ay lugtiisu gabi ahaanba u wareegtay dhanka kale min kuraanta ila jilibkiisa.
Marka loo eego sawirkan waxa uu noqday sawirka ugu la yaabaka badan ee laga qabtay xiddig ama qof Beni’aadam taas oo haatanba shaki ku abuurtay dad badan.
Sawirkan ayaa soo baxay maalmo ka yar kadib markii tababaraha xulka qaranka Iran ee Carlos Queiroz uu sheegay in Lionel Messi laga ganaaxo kubada cagta ilaa inta uu ka cadaynayo in uu Beni’aadam.
Xiddiga Lionel Messi ayaa ku jira mid ka mid ah xilli ciyaareedyadii ugu fiicnaa noloshiisa isaga oo horyaalka La Liga ku hogaaminaya 23 gool.

Cristiano Ronaldo oo rikoor cusub ka dhigay horyaalka La Liga



Cristiano Ronaldo ayaa Sabtidii rikoor cusub u dhigay horyaalka La Liga markii ay kooxdiisa Real Madrid guul 3-1 ah ka gaartay kooxda Getafe, wuxuuna kulankaas dhaliyey laba gool.
Lambarka 7aad ee Real Madrid ayaa ahaa dhaliyaha labadii gool ee natiijada ku hogaamiyey kooxdiisa, iyadoo Gareth Bale uu goolka furitaanka u dhaliyey Los Blancos.
Goolka koowaad ee Ronaldo ayaana ahaa midkiisii 300aad ee horyaalka La Liga, wuxuuna rikoorkaan ku gaaray 286 kulan oo keliya. Sidaas darteed wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu dhaqsiyaha badnaa abid ee goolal intaas la eg ka dhaliya horyaalka Spain (Fastest ever man to reach the triple century landmark in La Liga history ).
Ronaldo ayaa xitaa rikoorkaan ku garaacay laacibka ay xifaaltamaan ee kooxda Barcelona Lionel Messi, kaasoo ay ku qaadatay 334 kulan inuu dhaliyo goolkiisii 300aad ee horyaalka La Liga bishii Febraayo ee sannadkii 2016kii.
Hadda Messi wuxuu maraayaa 372 gool oo horyaalka La Liga ah isagoo ciyaaray 408 kulan. Ronaldo oo sannadkii 2009kii yimid horyaalka La Liga ayaana kulan walba dhalinaayey wax ka badan 1.05 gool ( Average of 1.05 goals per game).
Ronaldo ayaa kula biiray Messi, halyeeyga Bayern Munich Gerd Muller iyo dhiggiisa Everton Dixie Dean liiska xiddigo badan oo 300 gool iyo ka badan ka dhaliyey horyaallada ka ay ciyaareen.
Guud ahaan Ronaldo wuxuu dhaliyey 427 gool 435 kulan oo uu tartamada oo dhan u saftay kooxdiisa Real Madrid oo kulankeeda xigga lugta labaad ee wareegga 16ka tartanka UEFA Champions League ku wajaheysa kooxda Faransiiska ka dhisan ee Paris Saint-Germain Talaadada..

Q.Cabdiqani cali mohamuud ccm

Waxkastoo aad uga baahantahay kulanka caawa: Manchester City v Chelsea


Chelsea ayaa caawa wajahaya hogamiyayaasha horyaalka oo ayagu indhaha ku haya inay qaadan talaabo kale oo ay ku xaqii jinayan hanashada horyaalka...

Kooxda Pep Guardiola ayaa xaqiijisay guusheedii 24aad kadib 28 kulan oo la ciyaaray markii ay 3-0 ku garaaceen Arsenal, waxaana ay u baahan yihiin kaliya shan guul oo isku xiga si ay u xaqiijiyaan hanashada horyaalka.
Dhanka kale, Antonio Conte ayaa u baahan inuu kusoo laabto kaalinta 4aad ee horyaalka, ka dib natiijooyin xun oo kooxdiisa ka tuuray kaalinta shanaad.
OGEYSIISKA CIYAARTA
GAROONKA: Etihad Stadium
SAACADA: 07: 00 PM
MAXAAA CUSUB?
Fernandinho ayaa seegi doona kulankaan kadib dhaawac muruqa kasoo gaaray, laakiin Raheem Sterling ayaa la rajeynayaa inuu soo laaban karo.
Kyle Walker ayaa diyaar ah, laakiin Fabian Delph ayaa ku maqan weli ganaax, iyadoo Benjamin Mendy dhaawacan yahay.
Ross Barkley ayaa diyaar u ah inuu mar kale kasoo muuqdo kooxda Chelsea ka dib dhaawaciisa, laakiin waa inuu helaa kalsoonida tababare Conte.
David Luiz iyo Tiemoue Bakayoko ayaa labadoodaba dhaawac ku maqan, halka Alvaro Morata uu ka welwelsan yahay dhabaato dhaawac yar ah.
XAQIIQADA KULANKA
Chelsea ayaa ku badisay 3-1 xilli ciyaareedkii hore, laakiin ma aysan ku guuleysanin kulamada horyaalka ay ku ciyaarto Etihad Stadium tan iyo markii ay afar jeer ku badiyeeen intii u dhaxeysay 2005 iyo 2008.
Man City ayaa badisay kaliya hal kulan oo kamid ah afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay garoonkooda kula ciyaareen Blues.
Man City ayaa badisay 13kii kulan ee ugu dambeyay oo ay ku ciyaartay garoonkeeda, iyagoo ugu yaraan laba jeer shabaqa soo taabtay shabaqa.
Chelsea ayaa laga badiyay labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay marti aheyd, lagama badin seddex kulan oo isku xigta iyagoo marti ah tan iyo bishii March 2013kii.
Sergio Aguero ayaa dhaliyay shan gool afartiisii kulan ee ugu dambeysay Premier League uu kula ciyaaray kooxda Chelsea.
Eden Hazard ayaa sideed gool ku lug lahaa sideedii kulan ee ugu dambeysay ee uu ka horyimid Manchester City tartamada oo dhan (4 gool isagaa dhaliyay, 4 waa caawiyey).
SAFAFKA MACQUULKA AH
Man City: Ederson; Walker, Otamendi, Kompany, Danilo; Gundogan, D. Silva, De Bruyne; Sane, Aguero, Sterling.
Chelsea: Courtois; Azpilicueta, Christensen, Rudiger; Alonso, Moses, Kante, Hazard, Fabregas, Willian; Giroud.

Falaqaynta kulanka xiisaha leh Barcelona vs Atletico Madrid





Barcelona ayaa caawa la ciyaari doonta kooxda Atletico Madrid oo kula dagaalameysa hanashada horyaalka La Liga.
Tababare Ernesto Valverde kooxdiisa ayaa dhibco muhiim ah lumisay ka dib markii ay barbaro 1-1 ah la gashay Las Palmas kulan ka dhacay jaziirada Canary khamiistii.
Dhanka kale, Atletico ayaa gurigeeda ku garaacday Leganes Arbacadii, iyadoo afar gool uu dhaliyay weeraryahanka Antoine Griezmann.
Kooxda Diego Simeone ayaa hal kulan kaliya laga badiyay xilli ciyaareedkaan, waxaana ay barbaro 1-1 ah la gashay Barcelona kulankii hore ee ka dhacay Wanda Metropolitano bishii October.
OGEYSIISKA CIYAARTA
GAROONKA: Camp Nou, Barcelona, Catalonia, Spain
SAACADA: 06:15 PM
MAXAA CUSUB?
Nelson Semedo ayaa la filayaa inuu maqnaan doono muddo shan isbuuc ah ka dib markii uu dhaawac kasoo gaaray kulankii Sabtidii 6-1 kaga badiyeen Girona.
Dhanka kale, Sergi Samper waxa uu la maqan yahay dhibaato waqti dheer ah, xiddiga khadka dhexe ayaa amaah ku joogay Las Palmas, laakiin dhaawac canqawga ah oo soo gaaray kulankii Eibar ee bishii Janaayo ayaa keentay inuu kusoo laabto Barcelona.
Jordi Alba oo qaatay jaalihiisii shanaad ee xilli ciyaareedkaan kulankii Girona, ayaa seegay safarkii Las Palmas, laakiin waxa uu diyaar u yahay kulanka caawa.
Dhanka kale, Luis Suarez ayaa hal jaale u jira in laga ganaaxo kulanka soo aadan ee kooxdiisa ciyaareyso La Liga.
Atletico ayaa laga badiyay kaliya hal kulan xilli ciyaareedkan La Liga, waxaana ay ku jirtaa qaab ciyaareed sarre ka dib markii ay 5-2 kaga badiyeen Sevilla, ka dibna Leganes 4-0 ku garaaceen labadii kulan ee ugu dambeyay.
Griezmann ayaa dhaliyay toddobo gool labadii kulan ee ugu dambeeyay, waxaana xiriir wanaagsna uu la leeeyahay qeybta weerarka Diego Costa.
Kooxda Simeone ayaa heysta koox taam ah oo ay xulan karaan kulankaan ka dib markii Yannick Carrasco iyo Nico Gaitan dib ugu soo laabteen tababarka.
Daafacyada Lucas Hernandez iyo Stefan Savic ayaa shaki uu ku jiraa kulanka kooxdooda usafreyso Barcelona.
XAQIIQADA KULANKAAN
Barcelona ayaan laga badinin 15kii kulan ee ugu dambeyay oo ay ka horyimaadeen Atletico kulan horyaalka La Liga ah (11 guul iyo afar barbar dhac ayay ka heleen),
Atletico ayaa kaliya hal jeer guul darreysatay 24kii kulan ee ugu dambeyay La Liga, iyagoo badiyay 15 jeer, halka 8 barbaro ay galeen.
Simeone ayaa sideed guul darro iyo afar barbar dhac kala kulmay Barcelona kulamada uu ku wajahay horyaalka La Liga.
Atletico ayaa ah kooxda labaad ee dhibanaha u ah Lionel Messi tartamada oo dhan, 27 gool ayuu ka dhaliyay, kaliya Sevilla oo uu ka dhaliyay 29 ayaa ka badan.
SAFAFKA MACQUULKA AH
Barcelona (4-4-2): Ter Stegen; Roberto, Piqué, Umtiti, Alba; Coutinho, Rakitic, Busquets, Iniesta; Messi, Suárez
Atlético (4-4-2): Oblak; Vrsaljko, Godín, Giménez, Filipe Luis; Saúl, Thomas, Gabi, Koke; Griezmann, Diego Costa

Saturday, March 3, 2018

Liverpool oo guul dahabi ah ka gaartay Newcastle, Mane & Salah oo shabaqa gaaray & Reds oo booska labaad timid




Laba gool oo ay kala dhaliyeen Mohamed Salah iyo Sadio Mane ayaa Liverpool siiyay guul muhiim ah kulankii ay Anfield kula ciyaareen Newcastle United, waxeyna si kumeel gaar ah u dageen kaalinta labaad ee horyaalka.
Liverpool waxey u muuqatay koox u diyaarsan iney kulanka badiso, kana go’an tahay iney hesho natiijo wax ku ool ah maadaama ay si cajiib leh ku bilaabatay, waxeyna isku dayeen iney cadaadis xoog leh saaraan goolka Magpieska .
Jurgen Klopp wuxuu sameeyay dadaal aan caadi aheyn maadama uu MSF ku lamaaniyay Henderson iyo Chamberlain.
Mohamed Salah ayaa bilaabay bandhigga goolasha kulanka kadib markii uu si fudud kubad uga helay Roberti Firmino, si qurux badan ayuuna lugta bidix ugu dhameysitray kubadda.
Goolka labaad oo si weyn looga soo shaqeeyay waxaa dhaliyay Sadio Mane kaas oo isna ka mid ah xubnaha muhiimka ah ee kooxda.
Natiijadaan waxey ka dhigan tahay in Liverpool ay 1-dhibci ka sareyso hadda Red Devils ka hor kulanka labada kooxood, wiilasha Jose Mourinho ayaana heysta fursad ay dib ugu soo laabtaan kaalinta 2-aad habeenka Isniinta ah marka ay la ciyaaraan Crystal Palace.

Ac Milan & Inter Milan shaxda kulanka Derby della Medonnina.





Kulanka Derby della Madonnina ayaa la sugi doonaa berito, waana mid ka mid ah kulamada ugu culus ee laga ciyaari doono shanta horyaal ee ugu waaweyn qaaradda yurub.
Durba labada kooxood ayaa liiska ay isaga hor imaanayaan sii magacaabay, aan ku bilowno dhanka Milan waxaa liiska ka maqan Ignazio Abate iyo Luca Antonelli, halka Borja Vallero shaki lagalinayo dhinaca kale ee Inter Milan.
Liiska halkaan hoose ka aqriso:
LIISKA AC MILAN:
A Donnarumma, G Donnarumma, Storari; Bonucci, Calabria, Gomez, Musacchio, Rodriguez, Romagnoli, Zapata; Biglia, Bonaventura, Calhanoglu, Locatelli, Kessie, Mauri, Montolivo; Borini, Cutrone, Kalinic, Andre Silva, Suso.
LIISKA INTER MILAN:
Handanovic, Padelli, Pissardo; Lisandro Lopez, Joao Cancelo, Ranocchia, Santon, Miranda, Dalbert, D’Ambrosio, Skriniar; Gagliardini, Rafinha, Vecino, Borja Valero, Emmers, Brozovic; Icardi, Karamoh, Eder, Perisic, Candreva.

Cristiano Ronaldo Oo Si Qiiro Leh Kaga Hadlay Xaalada Syria & Phalistina- Muxuuse Balanqaaday?






Cristiano Ronaldo Oo Si Qiiro Leh Kaga Hadlay Xaalada Syria & Phalistina- Muxuuse Balanqaaday?



Iyadoo ay jirto in aan ku noolahay dalka Spain, maskaxdayda waligeed kama go’in dhibaatada walaalaheen ku sugan Syria ama Phalistin.
Magaca Alle ayaan ku dhaaranaayaa , Iga raali noqda” ayuu yiri Ronaldo oo ilmenayay, isagoo isticmaalayay maro yar oo uu kala soo baxay jeebka.
Sida aan idiin sheegay ma fahmi karo sababta ay waxaan ugu dhacaayaan Syria ama Phalistin.
Ma ogtihiin sababta ay u dhacaayaan waxaan” ayuu yiri Cristiano Ronaldo?
Sicad uma ogaanin illaa iyo hadda, maxay u dhacaayaan dhibaatooyinkaan yaa is weydiiyay?.
Waxaan lahadlay dhammaan cayaaryahanada Kooxda, sax waxaan isku raacnay in aan loo sheegin Saxaafadda.
Laakiin iyadoo ay jirto in ay isi soo taraayaan hadalada kutur kuteenta ah, waxa aan go’aansanay inaan idin sheegno dhammaanteena sida aan kaga xunahay waxa ka dhacaya Syria ama Phalistin.
Sida ay shaaca ka qaadi doonaan Bezema iyo Bayl Bale hadda waxii ka dambeeya waxaan dhinac istaagi doonaan dadka ku dhiban Syria iyo Phalistin.
Muhiim ma ahan taa, Waxaase muhiim ah waxa aan sameendoon ayuu hadalkiisa ku daray laacibka Real Madrid.
Hanti ayaan ku deeqi doonaa, Sidaas si lamid ah dhiig ayaan bixineenaa iyo wax waliba oo aan heli karno.
HALKAAN KA DAAWO WAREYSIGA RONALDO
Waayo waxa dhacaaya dhammaanteen way na xanuunjinaayaan haka dhecaan Syria ama Phalistin labadaba.
.Tani ma ahan is Xayeesiin ama istustus sida dadka qaar u fahmi karaan “ayuu yiri Ronaldo.
Waxaase Muhiim ah inaan wax waliba dartooda usameeno, Sida aan sameeno Cayaaraha si aan guul ugaarnoo marka aan garoonka kujirno.
Dhammaan dadkoo idil waxaan ka rajeyneynaa in ay sameeyaan sideena oo kale” ayuu yiri hogaamiyaha Real Madrid Cristiano Ronaldo

Friday, March 2, 2018

KULIYADA CULUUMTA BULHADA OO KU GULAYSATEY KOOBKA KUBADA CAGATA EE JAMACADA PSU



Xidigaha kuliyada culuumta bulshada ee jaamacada PSU aya ku guulaystay koobka kubada cagta ee jmacada ka dib markii ay guul 5:4 ka gaareen xidigaa IT
Ciyaar xiisaleh oo ay isakaga horyimadeen xidigo aad u xifaltan badan oo dhankasta uu ka dhaxeeyo, markaa daawato ciyaar u dhaxeysa labada kooxood waxad soo xasuusan ciyaaraha darbiga ah ee ka dhaca caalmkas sida Madrid darby liverpool vs ma Milan darby iyo ciyaraha isku Dhaga ah ee calamka.

Ciyaarta ayaa ku bilabatay dardar xoogan oo labada dhinac ah balse xidigaha socialka ayaa aroor horeba shbaqa gaarey ka dib narkii khalad weyn ay sameyeen difaacyada kooxda IT,Waxana si sahlan shabaqa u gaarsiiyey xidiga kabtanka u xirna ee khadar hure ,waxana markale isla daqiiqadihii hore ee ciyaarta shabaqa garey kaneeco oo laba gool oo indha sarcaada shabaqa dhigay ciyartana ka dhigay  3:0 oo ay hogaanka ku hayaan xidigaha socialka,damaadkii qaybtii hore waxa gool la soo labtay xidigaha IT Waxaana markaan shabaqa gaarey c.Jcole, Qaybti labaad ee ciyaarta ayaa aheyd mid ka duwan tii hore iyagoo xidigaha socialku ay hogaanka ugu horeen ku qabteen 5:1 ,k.Hure iyo sacid ayaa labada gool saxiixay, Soo labasho aan lafilayn ayey sameeyen xidigaha It ayagoo sadex gool oo dagdaga layimi qaybihii danbe ee ciyarta isagoo laba gool dhaliyey c.Jcole oo ay celinwayeen difaaca koox kasta uu ka horyimi, ciyaarta ayaa ugu danbayn ku soo idlaatay 5:4 oo ay xidigaha IT ay guul daro ku qabileen tan iyo bilowgii tartankaani......

IT VS SOCIAL SCIENCE CIYAAR XIISALEH OO GALABTA KA DHACAYSA GAROONKA CALSSIC GARAWE


Garoonka : calasic stadium
saacada: 4:00 galabnimo




Kooxaha ugu xifaaltank badan jaamacada PSU ayaa maanta ku kulmaya kamadanbaysta tartanka kubada cagta ee jaamacada PSU,xidigaha  ku ciyaaraya magaca kuliyada barashada computerka iyo xidigaha sita magaca kuliyada culuumta bulshada ayaa galabta ku balansan garoonka calssic stadium

Xidigaha tobabare aalle ayaa xasuuq ba'an u soo gaystay kuliyada lowga ciyaar aanan tageerayaasha kuliyada lowgu aan aad u jeclaysan,walow ay xidiguhu ciyaartoyda lowgu ciyaar  wanaag ay soo bandhigeen balse waxa  kaba danbaysta tartanka  soo garay wiilasha it IT ga  guul 9:1 ay ku xaaqeen kuliyada lowga,halka kooxda kuliyada culuumtu ay ka soo tilaabsatay xidigaha becsom ciyaar si fudud aysan guul ku gaarin,walow ay xidigaha maroodiyaashu ay 3:1 ku soo gudbeen hadana waa mid ay aad uxasuusan doonan siciid shaaruu iyo wiilashiisu,maadama ay dhawacyo iyo kaar guduudan kulanka kala kulmeen.. 
Labadan kooxod ayaa ku kulmay wareega Groupyada ee koobkaani,walow ciyaartaasi wiilsha  IT gu  ay dhulka dhigeen xidigaha kuliyada culuumta bulshada ciyaar ku soo idlaatay 2:0,waxayna ciyaartowda IT intii danbe ee ciyaarta xidig kaarka ROOSAHA laga siiyey,Waxana galabta ladawan doona ciyaar aan saadaal lagasii bixin karin ,madaama labada kooxood ay yihiin kuwa aad isugu dhow,waxaana ka dhaxeeya xifaaltan ba'an..





YAA MAQAN YAASE SOO LAABTAY
Kooxda IT ga ayaa soo dhaweyndoonta kabtankooda BULAY oo kamaqna ciyaartii rubuc dhamadka tartankaani ,wuxuuna tobabare aalle haystaa ciyaartoy taam ah kulanka uu ku wajaho social ka manaqabo wax walwal ah  ,dhanka kale siciid faroole ayaa waxa kulankan wayndoona adeega xidiga garabka bidix ee mahad Robben waxaan sidoo kale shaki wayn uu ku jiraa cabdisamad kaneeco oo uu dhaawac dhanka muruqa ah uu  soo garay kulankii ugu danbeeyay ,waxaana galabta laga sugaya xidigaha kaydku inay buuxiyaan xidigahaasi  hanad iyo cabdulaahi gurey..


Shaxda macquulka ah
IT  :      buley,s.varane,c.waraabe,c.j.cole,c.ayo,g.shuluq
social : kh.hure,c.messi,g.saacid,siciid,c.gurey,hanad yare



Thursday, March 1, 2018

GUARDIOLA MIYUU KA FICANYAHAY WINGER



Kulankii Arsenal ee ay la ciyaareen Manchester City ayaa ku dhamaaday guul 3:0 ah oo ay gaareen City wareegii 28aad ee Premier League.
Ciyaartu waxay ahayd mid xoogan, laakiin si aan kala joogsi lahayn waxa u muuqatay kooxda martida loo aha ee Guners, marka la eego khibradda labada kooxood, Tobabare pep ayaa  isticmaalay shaxda  (1-3-2-4), taas oo ka duwan tan arsenal , arsen wenger  ayaa   ayaa ku soo galay shaxda  3-3-4 oo uu ku ciyarayey  sida caadiga ah tan iyo bilowgii xilli ciyaareedka

CAEN OO GAADHAY SAMI-FINALKA FRENCH-CUP





Caen ayaa garaacday kooxda Lyon si ay u soo qaadato semi-finalka Faransiiska ah ee Paris Saint-Germain, iyadoo Ismael Dielande uu goor dambe ku hogaamiyay guul 1-0 ah.
Kooxda martida ah ee Bruno Genesio ay ku guulaysatay , lakiin ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ivorian Diomande ayaa laad xor ah u dhaliyay  77aad ee Stef Peeters.
Waa markii ugu horeysay oo kooxda Caen ay gaarto semi-finalka taariikhda 105-sano ee ay jirtay, waxaana ay marti gelin doonaan PSG, kuwaas oo ku tartamaya horyaalkii afaraad oo isku xigta bisha April.
Waddada ayaa u muuqata inay cadahay in kooxda hogaanka u heysa horyaalka Ligue 1 PSG inay dalbadaan rikoorka 12aad ee Koobka Faransiiska ,iyadoo ay ku jiraan kaalinta seddexaad ee Les Herbiers iyo Chambly inay wajihi doonaan semi-finalka kale.
Les Herbiers, oo ciyaareysa kaliya xilli ciyaareedkii seddexaad ee Championnat National, ayaa barbareeyay rigoor Talaadadii, ka hor inta Chambly ay 1-0 ku garaacday kooxda Ligue 1 Ligue 1.

BACELONA OO TAAKA KALA KULANTAY LAZ PALMAS




Kooxda hogaanka u heysa  LALIga ee Barcelona ayaa albaabka u furtay Atletico Madrid tartanka horyaalka LaLiga, xili barbaro 1-1 ah la galeen Laz Palmas.
Ka dib markii Antoine Griezmann uu uciyaaray Atletico kulankii ay 4-0 kaga badiyeen arbacadii, Ernesto Valverde ayaa ogaa inay guuleysan doonaan soo laabashada 7da dhibcood ee ciyaarta ka hor inta aysan la kulmin kooxda ay xafiiltamaan ee LAZ PALMAS.
Lionel Messi ayaa ku garaacay laz palmas laad xor ah daqiiqadii 21-aad , waana markii ugu horeysay ee gool looga dhaliyo Estadio Gran Canaria.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda martida loo ahaa ayaa iyadana heshay fursad ay ku barbareyso ciyaarta ka dib, Jonathan Calleri ayaa si kalsooni leh u bedelay kaarka Matias Aguirregaray, iyadoo Barca aysan helin qaabkii ay dib ugu soo celin laheyd hogaanka Ciyaarta...
Iyadoo barbaraha Barca ay sii dheereyso rikoorka aan looga badin ee horyaalka La Liga, haatan waxay  shan dhibcood ka sareeyaan Atletico oo kaalinta labaad ku jirta.
Waxaana haatan seddex guul gaartay 7dii kulan ee ugu danbeysay  tartamada oo dhan, taasoo Raja  aan sahlaneen dhigeysa Valverde ka hor inta uusan  kulamo adag wajihin, iyagoo booqaneya Atletico 10ka maalmood ka hor inta aysan lugta labaad ee Champions League wareega 16-kla La Ciyaarin Chelsea..

MANCITY OO CAGTA SOO MARISAY ARSENAL XILI PIERRI-EMERICK AUBAMEYANG UU GOOLKULAD KHASARIYEY



Manchester City ayaa iyadoo marti ah xasuuq u geysatay Arsenal kulan ka tirsan horyaalka Premier League, waxaana si fiican uga adeegtay laba Silva kuwaas oo shabaqa gaarsiiyay labadii gool ee ugu horeysay.
Citizens waxey dib ugu laabatay dhibcahii ay hogaanka ku heysay iyadoo haatan 16-dhibcood ka sareysa Man United oo todobaadkaan guul weyn ka gaartay Chelsea kulan ka dhacay garoonka Old Trafford.
Bernardo Silva ayaa bilaabay bandhigga goolasha kaas oo caawinaad ka helay Leroy Sane, wuxuuna ahaa gool si fiican looga soo shaqeeyay, daqiiqadii 15-aad ayuuna yimid.
David Silva ayaa raacsaday goolkiisii labaad kaas oo isna caawinaad ka helay Sergio Aguero, wuxuu yimid daqiiqadii 28-aad, halka goolka sadexaad uu dhaliyay Leroy Sane.
Arsenal ayaa lagu abaalmariyay rigoore daqiiqadii 58-aad, waxaana qasaariyay saxiixa cusub ee kooxda Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo lumiyay fursad uu rajo kusoo galin karay kooxdiisa.
Arsenal waxey lumisay fursad ay ugu soo dhawaan laheyd booska 4-aad oo ay fadhiyaan Tottenha, waxaana u dhaxeeya farqi 10-dhibcood ah iyadoo horyaalka uu ka haray 10-kulan oo qura.

RASMI: Kooxda Arsenal oo warbixin ka soo saartay kulanka caawa ay la leeyihiin Man City – Miyuu baaqday?



Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa warbixin ka soo baxday waxa ay ku sheegtay in kulanka ay caawa la ciyaarayaan Manchester City ee ka dhici doona garoonka Emirates uu u qabsoomi doono sidii loo qorsheeyay.
Baraf ayaa aad uga da’ayay Ingiriiska maalmihii la soo dhaafay, waxaana laga cabsi qabay in ay cimiladu sii xumaato oo uu kulankaasi baaqdo.
Kulammo fara badan oo heerarka hoose ee kubadda cagta Ingiriiska ah ayaa la joojiyay, waxaana shaki laga keenay ciyaarta caawa ay ku ballansan yihiin kooxaha Arsenal iyo Man City.
Laakiin kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa warbixinteedan ku sheegtay in barafku uusan saameyn ku yeelan doonin kulankaasi.
Arsenal ayaa fursad u heysata in ay ka aar gudato kooxda Man City oo toddobaadkii la soo dhaafay kaga adkaatay ciyaar dhammaadkii EFL Cup-ka.

Angel Di Maria Oo Lugtiisa Ku Go’aamiyay In Uu Noqon Doono Badalka Tooska Ah Ee Neymar Jr Kulanka UCL Ee Real Madrid Iyo Kylian Mbappe Oo Dhaawac Soo Gaadhay.



Xidiga xulka qaranka Argentina iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Angel Di Maria ayaa si cad u sii go’aamiyay in uu noqon doono xidiga badalka tooska ah u ah Neymar Jr oo usbuuc dhamaadkan qaliin ku mari doona dalkiisa Brazil sida warbixin caafimaad oo ay PSG soo saartay lagu xaqiijiiyay. Laakiin Unai Emery ayaa haddaba sii go’aamin kara in Di Maria uu yahay xidiga uu ku buuxin doono booska uu Neymar Jr ka dhaawacan yahay.
Laakiin kooxda PSG ayaa markale war xun la kulantay intii lagu jiray waqtigii nasashada ee kulankii Marseille ee xalay kadib markii da’yarka ree France ee Kylian Mbappe aanu ciyaarta ku soo laaban waxaana jira walwal ku xeeran oo ah in uu dhaawac soo gaadhay inkasta oo ayna PSG wax warbixin ah ka soo saarin.
Kylian Mbappe ayuu dhaawac ka soo gaadhay cagta midig waxaana waqtigii nasashada lagu soo badalay Javier Pastore wuxuuna dhaawacani imanayaa shan maalmood oo kaliya ka hor kulanka ay PSG soo dhawayn doonto Real Madrid laakiin ilaa hadda waxaan la ogayn inta ay leegtahay halista dhaawaca da’yarkan soo gaadhay.
Inkasta oo kooxda Paris Saint-Germain ay haysato ciyaartoy muhiim ah oo uu Neymar Jr kaydka ku hayay oo uu ka mid yahay Julian Draxler, haddana Di Maria ayaa si cad u soo jiitay indhaha caalamka kadib markii uu shan gool ku dhaliyay afar maalmood gudahood ee kulanka xamaasada badan ee PSG iyo Marseille.
Paris Saint-Germain ayaa xalay markale 3-0 ku garaacday kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Marseille waxaana kulankan laba gool ka dhaliyay Di Maria halka Cavani uu hal gool dhaliyay, laakiin labadii kulan ee ugu danbeeyay ayuu Di Maria dhaliyay shan gool taas oo culayska ka yaraynaysa PSG oo si wayn uga walwalsanayd xaalada Neymar.
Unai Emery ayaan Angel Di Maria wax fursad ah ka siin kulankii lugtii hore ee Santiago Bernabeu ee UEFA Champions League wareegiisa 16ka kooxood, laakiin hadda waxay u muuqataa in xidiga ree Argentina uu booskiisa sii xoraystay isla markaana uu garabka weerarka bidix ee uu Neymar ka ciyaarayay uu kaga soo bilaaban doono kulanka Paris.
Si kastaba ha ahaatee, Di Maria iyo Julian Draxler ayaa noqon doona labada xidig ee sida tooska ah u buuxin kara booska Neymar Jr waxayna hadda kooxda Emery dareenkeeda ku soo jeedinaysaa kulanka Real Madrid kadib markii ay u soo baxday afar dhamaadka French Cupka.

DEG-DEG: Neymar Jr Oo Brazil Laga Soo Dajiyay Isaga Oo Gaadhi Curyaan Lagu Riixayo Iyo Muddada Uu Maqnaanayo Oo Musiibo Kale Sii Noqotay.y



Xidiga xulka qaranka Brazil iyo kooxda PSG ee Neymar Jr ayaa marba marka ka danbaysa sii helaya war aad u xun, waxaana soo baxaya warar kale oo ka sii xun kuwii hore. Dhakhtarka xulka qaranka Brazil ee Rodrigo Lasmar oo ah shaqsiga loo xilsaaray in uu fuliyo qaliinka Neymar Jr uu marayo ayaa sheegay in xidigani uu garoomada ka maqnaan doono muddo saddex bilood ah taas oo sabab u noqonaysa in xili ciyaareedkii Neymar Jr uu soo dhamaaday.
Laakiin sidoo kale warkan ayaa naxdin wayn ku ah xulka qaranka Brazil iyada oo shaki la galinayo taam ahaansha buuxa ee uu Neymar Jr ku wajihi karo koobka aduunka isaga oo marka uu saddex bilood garoomada ka maqnaado ay dhibaato wayn ku noqon karto in uu koobka aduunka isaga oo xaaladiisa ugu fiican ku jira uu iman karo.
Neymar Jr ayaa la soo dajiyay dalkiisa Brazil isaga oo lagu riixayo gaadhi curyaan isla markaana loo diyaarinayo qaliinka uu usbuuc dhamaadka samaynayo Rodrigo Lasmar. Waqtiga la filayo in uu Neymar Jr soo laabto waxay noqonaysa kaliyo usbuucyo ka hor koobka aduunka.
Dhakhtarka xulka qaranka Brazil ee Rodrigo Lasmar oo warka xaaladii ugu danbaysay ee Neymar Jr ka hadlay ayaa yidhi: “Neymar waxa uu ka jabay xubinta shanaad, waa jabniin muhiim u ah lafta cagta. Qaliinku waxa uu subaxnimada sabtida ka dhici doonaa Belo Horizonte, waxayna ka soo kabsashadu qaadan doontaa min laba bilood iyo badh ilaa saddex bilood”.
Intaa kadib Rodrigo Lasmar ayaa sheegay in Neymar Jr uu ka murugaysan yahay xaalada uu hadda ku sugan yahay balse aanu doorasho kale haysan wuxuuna yidhi: “Neymar wuu murugaysan yahay, laakiin waxa uu fahansan yahay in aanu hadda doorasho kale haysan. Waxa uu naftiisa u huri doonaa in uu sida ugu deg dega badan ee ugu suurtogalsan uu u fiicnaado. Waxayaga ugu fiican ayaanu samayn doonaa si aanu isaga diyaar uga dhigno sida ugu deg dega badan ee ugu suurtogalsan”.
Rodrigo Lasmar ayaa Neymar Jr qaliinka ugu samayn doona cisbitaalka Mater Dei hospital oo ku yaala Belo Horizonte iyada oo subaxnimada sabtida uu Neymar Jr midida mari doono waxayna tani soo afjaraysaa rajadii PSG ee ay ka qabtay in markale uu Neymar kooxdeeda xili ciyaareedkan u safan karo.
Marka laga yimaado kulamada PSG ee uu Neymar seegi doono waxa uu sidoo kale seegi doonaa kulamada saaxiibtinimo ee uu xulka qarankiisa Brazil ugu diyaar garoobayo koobka aduunka ee la ciyaari doono muddada uu garoomada dhaawaca kaga maqan yahay.
Kulamada Ugu Soo Horeeya Ee Uu Xulka Qaranka Brazil Koobka Aduunka Ka Ciyaari Doono:
Axada June 17: Switzerland
Jimcaha June 22: Costa Rica
Arbacada June 27: Serbia
Si kastaba ha ahaatee, Neymar Jr ayaa qaybtii xili ciyaareedka ugu muhiimsanayd seegaya iyada oo kooxda PSG oo 222 milyan euros ka soo bixisay ay hadda ku qasban tahay in ay ku tiirsanaato adeega xidigaha kale ee kooxdeeda.

Ivan Rakitić Oo Ka Warbixiyay Sida Ay Muhiim U Tahay In Kooxdiisa Barcelona Ay Hal Arin Kaga Sara Marto Dhigeeda Real Madrid



Laacibka khadka dhexe reer Croatia Ivan Rakitić oo caawa ciyaari doonaa kulankiisii 200-aad ee kooxda Barcelona ayaa wuxuu xaqiijiyay in ujeedkiisa ugu weyn uu yahay sida uu kaga dhigi lahaa jamaahiirta reer Croatia in ay taageeraan kooxda reer Catalonia in kabadan inta ay taageeraan Real Madrid isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay waxa uu kula guuleystay Barca intii uu xirfadiisa ciyaareed ku qaatay Camp Nou.
Ivan Rakitić ayaa lagu tiriyaa inuu yahay xidiga reer Croatia ah ee loogu jecel yahay kooxda Barcelona sababa la xidhiidha kulamada uu u soo ciyaaray taariikhda kooxda reer Catalonia, waxaa intaas sii dheer koobabka uu kula soo guuleystay iyo saameynta uu ku yeeshay khadka dhexe Blugarana, taasoo ka dhigeysa inuu yahay mid ka mid ah dooqyada ugu muhiimsan ee kooxda.
Laacibka khadka dhexe reer Croatia Ivan Rakitić ayaa wuxuu yidhi: “Waxay ii noqon lahayd sharaf weyn hadii ay dhacdo in aan ku guuleysto Jamaahiir fara badan ee reer Croatia ah inay ka mid noqdaan taageerayaasha kooxda Blugarana”.
“Sababtoo ah xidigo fara badan ee u dhashay dalka Croatia ayaa waxay ka ciyaaraan kooxda Real Madrid, laakiin waxaa waajib ah in Barcelona ay ku yeelato dalka Croatia jamaahiir ka badan inta ay Real Madrid haatan ku leedahay”. ayuu Rakitic hadalkiisa si raaciyay.
Ivan Rakitic ayaa xili ciyaareekdan ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan ee uu Valverde ku tiirsan yahay isaga oo ka soo kabsaday xaaladii aan fiicnayn ee uu ku soo qaaday xili ciyaareedkii hore isaga oo Enrique marar badan kaydka dhigayay xidiga ree Croatia.

Arsenal Oo Kaga Horeysa Barcelona Iyo Manchester City Saxiixa Xiddig Katirsan PSG


Arsenal ayaa kula dagaalameysa kooxaha Barcelona iyo Manchester City saxiixa da’yarka PSG Yacine Adli, sida laga soo xigtay wargeysyada Faransiiska.
Adli, oo 17 jir ah ayaa lagu qiimeeyaa mid ka mid ah rajada ugu weyn ee mustaqbalka xulka Faransiiska ku raaxeysan doono.
kooxda Paris Saint-Germain ayaa lixdii bilood ee lasoo dhaafay heysatay ciyaaryahanka, laakiin weli ma siin qandaraas joogta ah.
kooxo badan oo Yurub ah ayaa xiiseynaya saxiixa wiilkaan dhalinyarada ah ka hor inta uusan furmin suuqa kala iibsiga xagaaga.
Wargeyska L’Equipe ayaa sheegay in kooxaha Premier League ee Arsenal iyo Man City ay isha ku heyaan Adli si uu u horumarkiisa kaga sii wato akadeemigooda.
Heshiiskiisa ayaa ku kici kara lacag magdhow ah oo lagu sheeegay £ 250,000 haddii uu ka tagayo kooxda PSG.

IS CASIL!: Ciyaartooyda & Guddiga Arsenal Oo Cadaadinaya Tababare Arsene Wen




Ciyaartoyda Arsenal iyo guddiga kooxda ayaa isku dayaya inay cadaadis saaraan tababare Arsene Wenger.
Wenger ayaa wajahaya dagaal adag oo uu kusoo ceshan karo kalsoonidiisa marka uu caawa kulan katirsan Premier League ku wajahayo Emirates kooxda Manchester City.
Wargeyska Mirror Sport ayaa daaha ka qaaday in booska Wenger dib loo eegi doono dhamaadka xilli ciyaareedkaan, waxaana kooxda ay kulan la qaateen tababaraha France oo shaki weyn la galinayo mustaqbalkiisa.
Wenger, oo 68 jir ah, wuxuu ogyahay inuu cadaadis weyn fuuli doono haddii uusan usoo bixin tartanka Champions League isla markaana uu ku guuleysan Europa League xili ciyaareeedkaan.
Waxa uu diiday inuu ka jawaabo haddii ay shaqadiisa ku xiran tahay Champions League, isagoo yiri: “Ma doonayo inaan mar walba kusoo laabto su’aashaan, waan kuu jawaabay. Haa, waan ka jawaabay su’aashaas.
Ujeedkeenu waa inaan kamid noqono afarta kaalin ee ugu sareysa, dabcan “Waxaan halkaan imid 21 sano, waxaan dunida baray awooda kooxdan “ ayuu hadalkiisa raaciyay Wenger.

PARIS OO DHIBANE U NOQOTAY DHAWACYO XILI XALAY MBAPPE UU DHAWACMAY




Paris St-Germain ayaa mar kale ku garaacday xalay Marseille 3-0 lugta labaad ee semi-finalka Coupe de France.
Angel Di Maria ayaa dhaliyey qeybta labaad ee ciyaarta gool, ka hor inta uusan Edinson Cavani raacsan gool kale 81 daqiiqo.
Laakiin Kylian Mbappe ayaa dhaawac looga saaray ciyaartan, iyadoo xiddigii hore ee kooxda Monaco lagu bedelay Javier Pastore ka dib markii uu dhaawac kasoo gaaray cagta.
Saxiixa rikoorka adduunka ugu qaalisan ee Neymar ayaa hore dhaawac jilibka ah kaga maqnaa kooxdiisa, iyadoo xitaa la shaaciyay inuu mari doono qaliin.
26 jirkaan reer Brazil ayaa seegi doona kulanka Talaadada Champions League kooxdiisa ku wajaheyso Real Madrid, laakiin dhaawaca Mbappe weli lama cadeyn inta uu qaadan karo.
19 jirkaan ayaa heshiis amaah ah ugu soo biiray PSG kooxda Monaco xagaagii lasoo dhaafay, isagoo dhamaadka xagagaan heshiis rasmi ah ugu biiraya kooxda ka dhisan caasimada France.
Dhaawaca soo gaaray Kylian Mbappe ayaa dharbaaxo kale ku ah kooxda PSG oo talaadada wajaheysa Real Madrid kulan katirsan Champions League.