Sunday, March 4, 2018
Falaqaynta kulanka xiisaha leh Barcelona vs Atletico Madrid
Barcelona ayaa caawa la ciyaari doonta kooxda Atletico Madrid oo kula dagaalameysa hanashada horyaalka La Liga.
Tababare Ernesto Valverde kooxdiisa ayaa dhibco muhiim ah lumisay ka dib markii ay barbaro 1-1 ah la gashay Las Palmas kulan ka dhacay jaziirada Canary khamiistii.
Dhanka kale, Atletico ayaa gurigeeda ku garaacday Leganes Arbacadii, iyadoo afar gool uu dhaliyay weeraryahanka Antoine Griezmann.
Kooxda Diego Simeone ayaa hal kulan kaliya laga badiyay xilli ciyaareedkaan, waxaana ay barbaro 1-1 ah la gashay Barcelona kulankii hore ee ka dhacay Wanda Metropolitano bishii October.
OGEYSIISKA CIYAARTA
GAROONKA: Camp Nou, Barcelona, Catalonia, Spain
SAACADA: 06:15 PM
MAXAA CUSUB?
Nelson Semedo ayaa la filayaa inuu maqnaan doono muddo shan isbuuc ah ka dib markii uu dhaawac kasoo gaaray kulankii Sabtidii 6-1 kaga badiyeen Girona.
Dhanka kale, Sergi Samper waxa uu la maqan yahay dhibaato waqti dheer ah, xiddiga khadka dhexe ayaa amaah ku joogay Las Palmas, laakiin dhaawac canqawga ah oo soo gaaray kulankii Eibar ee bishii Janaayo ayaa keentay inuu kusoo laabto Barcelona.
Jordi Alba oo qaatay jaalihiisii shanaad ee xilli ciyaareedkaan kulankii Girona, ayaa seegay safarkii Las Palmas, laakiin waxa uu diyaar u yahay kulanka caawa.
Dhanka kale, Luis Suarez ayaa hal jaale u jira in laga ganaaxo kulanka soo aadan ee kooxdiisa ciyaareyso La Liga.
Atletico ayaa laga badiyay kaliya hal kulan xilli ciyaareedkan La Liga, waxaana ay ku jirtaa qaab ciyaareed sarre ka dib markii ay 5-2 kaga badiyeen Sevilla, ka dibna Leganes 4-0 ku garaaceen labadii kulan ee ugu dambeyay.
Griezmann ayaa dhaliyay toddobo gool labadii kulan ee ugu dambeeyay, waxaana xiriir wanaagsna uu la leeeyahay qeybta weerarka Diego Costa.
Kooxda Simeone ayaa heysta koox taam ah oo ay xulan karaan kulankaan ka dib markii Yannick Carrasco iyo Nico Gaitan dib ugu soo laabteen tababarka.
Daafacyada Lucas Hernandez iyo Stefan Savic ayaa shaki uu ku jiraa kulanka kooxdooda usafreyso Barcelona.
XAQIIQADA KULANKAAN
Barcelona ayaan laga badinin 15kii kulan ee ugu dambeyay oo ay ka horyimaadeen Atletico kulan horyaalka La Liga ah (11 guul iyo afar barbar dhac ayay ka heleen),
Atletico ayaa kaliya hal jeer guul darreysatay 24kii kulan ee ugu dambeyay La Liga, iyagoo badiyay 15 jeer, halka 8 barbaro ay galeen.
Simeone ayaa sideed guul darro iyo afar barbar dhac kala kulmay Barcelona kulamada uu ku wajahay horyaalka La Liga.
Atletico ayaa ah kooxda labaad ee dhibanaha u ah Lionel Messi tartamada oo dhan, 27 gool ayuu ka dhaliyay, kaliya Sevilla oo uu ka dhaliyay 29 ayaa ka badan.
SAFAFKA MACQUULKA AH
Barcelona (4-4-2): Ter Stegen; Roberto, Piqué, Umtiti, Alba; Coutinho, Rakitic, Busquets, Iniesta; Messi, Suárez
Atlético (4-4-2): Oblak; Vrsaljko, Godín, Giménez, Filipe Luis; Saúl, Thomas, Gabi, Koke; Griezmann, Diego Costa
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment