Arsenal ayaa sii wadi doonta ololaheda xili ciyaareedkaan ay ugu dagalameyso tartanka Europa League marka ay caawa AC Milan ku martigalinayaan Emirates lugta labaad ee wareega 16ka.
Gunners ayaa kulankaan ku ciyaari doonta waqooyiga London iyagoo 2-0 ku badisay ciyartii ka dhacday Italy, waxaana ay doonayaan inay hubiyaan booskooda sided dhamaadka.
Henrikh Mkhitaryan iyo Aaron Ramsey ayaa qeybtii hore ee ciyaartii San Siro goolasha u dhaliyay kooxda uu hogaamiyo Arsene Wenger.
OGEYSIISKA CIYAARTA
GAROONKA: Emirates
SAACADA: 11:05 PM
MAXAA CUSUB?
Shkodran Mustafi oo uu dhaawac kasoo gaaray gumaarka ayaa maqan, halka Santi Cazorla oo dhaawacan uu yahay ciyaaryahan weli muddo dheer ka maqan Gunners.
Nacho Monreal iyo Hector Beller ayaa kasoo kabsaday dhaawac, laakiin labadoodaba waxaa laga yaabaa inaysan ku lug yeelan kulanka Milan, halka Alexandre Lacazette uu kusoo laabtay tababarka isbuucaan.
Pierre-Emerick Aubameyang, ayaan kasoo muuqan Karin Arsenal sabab la xiriirta uu tartankaan u diiwaan gashnaa kooxdiisii hore.
Dhinaca Milan David Calabria ayaa dhaawacan, sidaas darteed uma badna inuu ciyaaro kulankaan, waxaana Gennaro Gattuso is bedel uu ku sameyn doonaa daafaciisa midig.
Fabio Borini oo ciyaaray kulankii Genoa ayaa diyaar ah, laakiin Christian Zapata ayaa weli kusii jiri kara kursiga keydka AC Mialn.
XAQIIQADA KULANKA
Milan ma aysan kasoo kaban guuldarro lugta hore soo gaartay tan iyo bishii October 1985, markaasoo ay 4-3 kaga badiyeen Auxerre.
Gunners marnaba kuma guuldareysan inay soo baxdo 24 jeer oo ay guuleysatay kulanka lugta hore tartamada Yrub.
Ma jirto koox talyaani ah oo waligeed ku guuleysatay kulan ka dhacaya London kana tirsan Europa League , iyadoo Roma, Juventus, Lazio, Inter Milan iyo Fiorentina dhamaan lagu soo qaarajiyay.
SAFAFKA MACQUULKA AH
Arsenal: Ospina; Koscielny, Holding, Bellerin, Kolasinac; Xhaka, Wilshere, Ramsey, Ozil, Mkhitaryan; Welbeck.
AC Milan: G. Donnarumma; Zapata, Rodriguez, Romagnoli, Bonucci; Biglia, Bonaventura, Kessie, Suso, Calhanoglu; Cutrone.
No comments:
Post a Comment