Sunday, March 4, 2018

Cristiano Ronaldo oo rikoor cusub ka dhigay horyaalka La Liga



Cristiano Ronaldo ayaa Sabtidii rikoor cusub u dhigay horyaalka La Liga markii ay kooxdiisa Real Madrid guul 3-1 ah ka gaartay kooxda Getafe, wuxuuna kulankaas dhaliyey laba gool.
Lambarka 7aad ee Real Madrid ayaa ahaa dhaliyaha labadii gool ee natiijada ku hogaamiyey kooxdiisa, iyadoo Gareth Bale uu goolka furitaanka u dhaliyey Los Blancos.
Goolka koowaad ee Ronaldo ayaana ahaa midkiisii 300aad ee horyaalka La Liga, wuxuuna rikoorkaan ku gaaray 286 kulan oo keliya. Sidaas darteed wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu dhaqsiyaha badnaa abid ee goolal intaas la eg ka dhaliya horyaalka Spain (Fastest ever man to reach the triple century landmark in La Liga history ).
Ronaldo ayaa xitaa rikoorkaan ku garaacay laacibka ay xifaaltamaan ee kooxda Barcelona Lionel Messi, kaasoo ay ku qaadatay 334 kulan inuu dhaliyo goolkiisii 300aad ee horyaalka La Liga bishii Febraayo ee sannadkii 2016kii.
Hadda Messi wuxuu maraayaa 372 gool oo horyaalka La Liga ah isagoo ciyaaray 408 kulan. Ronaldo oo sannadkii 2009kii yimid horyaalka La Liga ayaana kulan walba dhalinaayey wax ka badan 1.05 gool ( Average of 1.05 goals per game).
Ronaldo ayaa kula biiray Messi, halyeeyga Bayern Munich Gerd Muller iyo dhiggiisa Everton Dixie Dean liiska xiddigo badan oo 300 gool iyo ka badan ka dhaliyey horyaallada ka ay ciyaareen.
Guud ahaan Ronaldo wuxuu dhaliyey 427 gool 435 kulan oo uu tartamada oo dhan u saftay kooxdiisa Real Madrid oo kulankeeda xigga lugta labaad ee wareegga 16ka tartanka UEFA Champions League ku wajaheysa kooxda Faransiiska ka dhisan ee Paris Saint-Germain Talaadada..

Q.Cabdiqani cali mohamuud ccm

No comments:

Post a Comment