Thursday, March 1, 2018
DEG-DEG: Neymar Jr Oo Brazil Laga Soo Dajiyay Isaga Oo Gaadhi Curyaan Lagu Riixayo Iyo Muddada Uu Maqnaanayo Oo Musiibo Kale Sii Noqotay.y
Xidiga xulka qaranka Brazil iyo kooxda PSG ee Neymar Jr ayaa marba marka ka danbaysa sii helaya war aad u xun, waxaana soo baxaya warar kale oo ka sii xun kuwii hore. Dhakhtarka xulka qaranka Brazil ee Rodrigo Lasmar oo ah shaqsiga loo xilsaaray in uu fuliyo qaliinka Neymar Jr uu marayo ayaa sheegay in xidigani uu garoomada ka maqnaan doono muddo saddex bilood ah taas oo sabab u noqonaysa in xili ciyaareedkii Neymar Jr uu soo dhamaaday.
Laakiin sidoo kale warkan ayaa naxdin wayn ku ah xulka qaranka Brazil iyada oo shaki la galinayo taam ahaansha buuxa ee uu Neymar Jr ku wajihi karo koobka aduunka isaga oo marka uu saddex bilood garoomada ka maqnaado ay dhibaato wayn ku noqon karto in uu koobka aduunka isaga oo xaaladiisa ugu fiican ku jira uu iman karo.
Neymar Jr ayaa la soo dajiyay dalkiisa Brazil isaga oo lagu riixayo gaadhi curyaan isla markaana loo diyaarinayo qaliinka uu usbuuc dhamaadka samaynayo Rodrigo Lasmar. Waqtiga la filayo in uu Neymar Jr soo laabto waxay noqonaysa kaliyo usbuucyo ka hor koobka aduunka.
Dhakhtarka xulka qaranka Brazil ee Rodrigo Lasmar oo warka xaaladii ugu danbaysay ee Neymar Jr ka hadlay ayaa yidhi: “Neymar waxa uu ka jabay xubinta shanaad, waa jabniin muhiim u ah lafta cagta. Qaliinku waxa uu subaxnimada sabtida ka dhici doonaa Belo Horizonte, waxayna ka soo kabsashadu qaadan doontaa min laba bilood iyo badh ilaa saddex bilood”.
Intaa kadib Rodrigo Lasmar ayaa sheegay in Neymar Jr uu ka murugaysan yahay xaalada uu hadda ku sugan yahay balse aanu doorasho kale haysan wuxuuna yidhi: “Neymar wuu murugaysan yahay, laakiin waxa uu fahansan yahay in aanu hadda doorasho kale haysan. Waxa uu naftiisa u huri doonaa in uu sida ugu deg dega badan ee ugu suurtogalsan uu u fiicnaado. Waxayaga ugu fiican ayaanu samayn doonaa si aanu isaga diyaar uga dhigno sida ugu deg dega badan ee ugu suurtogalsan”.
Rodrigo Lasmar ayaa Neymar Jr qaliinka ugu samayn doona cisbitaalka Mater Dei hospital oo ku yaala Belo Horizonte iyada oo subaxnimada sabtida uu Neymar Jr midida mari doono waxayna tani soo afjaraysaa rajadii PSG ee ay ka qabtay in markale uu Neymar kooxdeeda xili ciyaareedkan u safan karo.
Marka laga yimaado kulamada PSG ee uu Neymar seegi doono waxa uu sidoo kale seegi doonaa kulamada saaxiibtinimo ee uu xulka qarankiisa Brazil ugu diyaar garoobayo koobka aduunka ee la ciyaari doono muddada uu garoomada dhaawaca kaga maqan yahay.
Kulamada Ugu Soo Horeeya Ee Uu Xulka Qaranka Brazil Koobka Aduunka Ka Ciyaari Doono:
Axada June 17: Switzerland
Jimcaha June 22: Costa Rica
Arbacada June 27: Serbia
Si kastaba ha ahaatee, Neymar Jr ayaa qaybtii xili ciyaareedka ugu muhiimsanayd seegaya iyada oo kooxda PSG oo 222 milyan euros ka soo bixisay ay hadda ku qasban tahay in ay ku tiirsanaato adeega xidigaha kale ee kooxdeeda.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment