Thursday, March 1, 2018
Angel Di Maria Oo Lugtiisa Ku Go’aamiyay In Uu Noqon Doono Badalka Tooska Ah Ee Neymar Jr Kulanka UCL Ee Real Madrid Iyo Kylian Mbappe Oo Dhaawac Soo Gaadhay.
Xidiga xulka qaranka Argentina iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Angel Di Maria ayaa si cad u sii go’aamiyay in uu noqon doono xidiga badalka tooska ah u ah Neymar Jr oo usbuuc dhamaadkan qaliin ku mari doona dalkiisa Brazil sida warbixin caafimaad oo ay PSG soo saartay lagu xaqiijiiyay. Laakiin Unai Emery ayaa haddaba sii go’aamin kara in Di Maria uu yahay xidiga uu ku buuxin doono booska uu Neymar Jr ka dhaawacan yahay.
Laakiin kooxda PSG ayaa markale war xun la kulantay intii lagu jiray waqtigii nasashada ee kulankii Marseille ee xalay kadib markii da’yarka ree France ee Kylian Mbappe aanu ciyaarta ku soo laaban waxaana jira walwal ku xeeran oo ah in uu dhaawac soo gaadhay inkasta oo ayna PSG wax warbixin ah ka soo saarin.
Kylian Mbappe ayuu dhaawac ka soo gaadhay cagta midig waxaana waqtigii nasashada lagu soo badalay Javier Pastore wuxuuna dhaawacani imanayaa shan maalmood oo kaliya ka hor kulanka ay PSG soo dhawayn doonto Real Madrid laakiin ilaa hadda waxaan la ogayn inta ay leegtahay halista dhaawaca da’yarkan soo gaadhay.
Inkasta oo kooxda Paris Saint-Germain ay haysato ciyaartoy muhiim ah oo uu Neymar Jr kaydka ku hayay oo uu ka mid yahay Julian Draxler, haddana Di Maria ayaa si cad u soo jiitay indhaha caalamka kadib markii uu shan gool ku dhaliyay afar maalmood gudahood ee kulanka xamaasada badan ee PSG iyo Marseille.
Paris Saint-Germain ayaa xalay markale 3-0 ku garaacday kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Marseille waxaana kulankan laba gool ka dhaliyay Di Maria halka Cavani uu hal gool dhaliyay, laakiin labadii kulan ee ugu danbeeyay ayuu Di Maria dhaliyay shan gool taas oo culayska ka yaraynaysa PSG oo si wayn uga walwalsanayd xaalada Neymar.
Unai Emery ayaan Angel Di Maria wax fursad ah ka siin kulankii lugtii hore ee Santiago Bernabeu ee UEFA Champions League wareegiisa 16ka kooxood, laakiin hadda waxay u muuqataa in xidiga ree Argentina uu booskiisa sii xoraystay isla markaana uu garabka weerarka bidix ee uu Neymar ka ciyaarayay uu kaga soo bilaaban doono kulanka Paris.
Si kastaba ha ahaatee, Di Maria iyo Julian Draxler ayaa noqon doona labada xidig ee sida tooska ah u buuxin kara booska Neymar Jr waxayna hadda kooxda Emery dareenkeeda ku soo jeedinaysaa kulanka Real Madrid kadib markii ay u soo baxday afar dhamaadka French Cupka.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment